Safaaradda Turkiga Oo Cambaaraysay Qaraxii Shalay Ka Dhacay Muqdisho

Published: September 15, 2021

Dowladda Turkiga ayaa War kasoo saartay Qarax Is-miidaamin ah oo shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Bar koontarool oo ku taalla albaabka laga galo Xerada Xalane, kaasi oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War-saxaafadeed kasoo baxay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa waxaa si kulul loogu cambaareeyay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee lala beegsaday Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga oo ku sugnaa Bar koontarool, iyagoona sheegay inay aad uga xun yihiin qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Dowladda Turkigan ayaa tacsi u dirtay qoyska dadkii geeriyooday qaraxii ka dhacay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, halka dadkii dhaawacyada soo gaareen ay Alle u weydiiyeen inuu Caafimaad deg deg ah siiyo, kuwaasi oo la dhigay Xarumo Caafimaad.

Hoos ka akhriso:

” Waxaan ka xunnahay inaan helno warka ah in ugu yaraan 10 qof ay naftooda ku waayeen qaar badanna ay ku dhaawacmeen qaraxii 14 -kii September ka dhacay degmada Wadajir ee Muqdisho, Soomaaliya.

Waxaan aad u cambaareyneynaa weerarkan argagaxa leh waxaanan tacsi u direynaa shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee saaxiibada iyo walaalaha nahay. Waxaan u rajaynaynaa naxariista Eebbe intii ku dhimatay, caafimaad deg -deg ah kuwa dhaawacmay.

Turkigu wuxuu sii wadi doonaa inuu garab istaago Soomaaliya dagaalka ay kula jirto argagixisada.”

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *