Khayre: ” Waxaan ka walaacsanahay xaaladda adag ee dalka”

Published: September 16, 2021

Raysal Wasaarihii hore ee dowlada federaalka Soomaaliya ahna musharax madaxweyne Xasan Cali Khayre ayaa walaac ka muujiyey xaaladda uu ku jiro dalku iyo khilaafka labada Maxamed ee Rooble iyo Farmaajo.

Khayre oo qoraal ku daabacay bartiisa internet ayuu kaga hadlay khilaafka madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysalwasaaraha Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna dhanka kale baaq u diray madaxda dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka.

Hoos ka akhriso:

Waxaan ka walaacsanahay xaaladda adag ee dalkeennu ku jiro iyo qilaafka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul-wasaaraha xil-gaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble.

Waraaqda maanta ka soo baxday xafiiska madaxwaynaha waqtigiisu dhammaaday waa mid aan dan u ahayn xaaladda kala-guurka ah ee dalku ku jiro, islamarkaana qalqal gelineysa xasilloonida dalka iyo habsami u socodka doorashooyinka.

Waxaan ugu baaqayaa Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Ra’iisulwasaaraha xil-gaarsiinta in ay dardar geliyaan habsami u socodka doorashooyinka, si dalka looga badbaadiyo qalalaase siyaasadeed iyo dib u dhac amni.

Madaxda maanta talada dalka haysa waa in ay u hoggaansamaan dastuurka, ilaaliyaanna madaxbannaanida hay’adaha madaxa bannaan sida garsoorka, hanti-dhowrka iyo bangiga dhexe.Sida ku cad dastuurkeenna, Waa in xuquuqda muwaaddinka loo ilaaliyo si buuxda. Sidaas daraaddeed waa in kiiska Ikraan Tahliil looga dambeeyaa hay’adaha garsoorka si iyada, waalidkeed iyo shacabka Soomaaliyeedba u helaan caddaalad waafi ah.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday waxaa uu dib u dhac iyo sharaf xumo ku yahay dowladnimadeenna curdunka ah iyo geeddi socodka dib loogu xoojinayo hay’adaha dawladeenna. Lama aqbali karo saxna ma aha in caddaalad u raadinta muwaaddinadan Soomaaliyeed dood la geliyo oo la iska indho-tiro xadgudubka loo geystay. Waa inaan si mideysan uga hor-tagno shaqsi kasta ee diiddan kiiska Ikraan oo hadda hor-yaal caddaaladda.

Ugu dambayntii waxaan beesha caalamka oo Soomaaliya la garab-taagan hiil ugu baaqayaa in aanay ka niyad jebin xaaladda dalka balse ay nagala shaqeeyaan sidii loo hirgelin lahaa doorashooyinka dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *