Rooble, Mahdi Iyo Xaashi Oo Ka Wada Hadlay Doorashada Aqalka Sare Ee G. Waqooyi

Published: September 16, 2021

Raysalwasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay raysalwasaare kuxigeenkiisa Mahdi Maxamed Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdilaahi.

Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay u diyaar garowga doorashada xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi (Somaliland) iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha loogu soo gudbiyo liiska musharaxiinta Aqalka Sare.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Mudane Baashi Yuusuf Axmed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *