Taliyaha Hawgalinta Haramcad Oo Ku Dhaawacmay Dagaal Ka Dhacay Muqdisho

Published: September 16, 2021

Taliyaha Ciidanka Haramcad Cabdixamiid Cabdillaahi Fanax oo hoggaaminayay ciidamadda Haramcad ayaa dhaawac ka soo gaarey kadib dagaal saakay ciidamadda milatariga iyo kuwa Haramcad ku dhexmaray isgoyska Banaadir ee Muqdisho.

Qoraal lagu daabacay barta Facebook ee taliska ciiddanka Haramcad ayaa lagu sheegay, in taliyaha dhaawaciisa la geeyey isbitaalka Digfeer ee magaalada muqdisho, halkaas oo xaaladiisa caafimaad lagu daaweynayo.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in dagaalka uusan u dhexeyn ciidamo milatari iyo kuwa Boolis ah balse uu ahaa mid dhex maray maleeshiyo hubeysan oo isku haysatay dhul.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *