Alshabaab oo Qaraxyo ku burburiyay Garoonka Diyaaradaha Buula-Burde

Published: September 19, 2021

Qaraxyo nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa lala beegsaday garoonka Diyaaradaha degmada Buula-Burde ee gobolka Hiiraan iyadoo uu burbur xooggan soo gaaray qeybo kamid ah garoonka.

Sida ay sheegayaan Wararka Al-shabaab ayaa Qaraxyadan miinooyin ah ku weeraray garoonka waxaana khasaaraha uu gaaray oo gabi ahaanba burburay dhismaha qeybta hubinta iyo sugidda Rakaabka Garoonka oo shalay lasoo gaba gabeeyay dhismihiisa.

Inta la ogyahay hal qof ayaa ku geeriyooday halka saddex qof oo kale ay ku dhaawacmeen ,garoonka Qaraxa uu ka dhacay waxaa siwadajir ah uga howlgala Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM.

Waxa uu ahaa isha kaliya ee isku socodka u noqon lahayd Bulshada degmada Buula-Burde oo ay naawilayeen in ay uga baxaan go’deen muddo ay ku hayeen Alshabaab.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *