Guddoomiyaha Bari oo kulan la qaatay guddiga Warshada Ogsijiinta “SAWIRRO”

Published: September 19, 2021

Guddoomiyaha Gobolka Bari Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa Axaddii kulan la qaatay guddiga warshada Ogsijiinta sameeysa iyadoo dhawaan la keenay warshada magaalada Bosaaso Dowladuna ay bixisay dhulkii laga dhisi lahaa warshadaasi.

Guddoomiye Cabdisamad Abwaan, ayaa uga mahadceliyey guddiga kulankan waxa uuna ku bogaadiyey sida wanaagsan ay uga qeyb qaadanayaan hormarka dalka.

Kulanka ayaa waxa ka soo qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Bari, Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Bosaaso, Iyo Isuduwaha Wasaarada Cafimaadka maamulka Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *