Kaararka Cod-bixiyayaasha Doorashada oo la gaarsiinayo degmooyinka…

Published: September 19, 2021

Guddiga kumeelgaar ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa degmooyinka Ufayn, Qardho iyo Eyl u kala diray kooxo qeybin doona kaararka Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka la filayo in ay dhacaan bisha soo socota ee October.

Kooxaha loo kala diray degmooyinka ayaa la filayaa in maalinta berri ah ay Bulshada u qeybiyaan kaararka Codbixiyayaasha ka qeybqaadan doona codeynta Doorashada.

Kaararka ayaa sida qorshuhu yahay laga bixin doona Seejooyinka laga codeyn doono doorashada qof iyo codka ah ee ka dhacaysa degmooyinka Ufayn, Qardho iyo Eyl.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *