Ra’iisul Wasaare Rooble oo gudoomiyay Shirka Tiirka Arrimaha Bulshada

Published: September 19, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka tiirka Arrimaha Bulshada oo kamid ah shirarka lagu soo bandhigo qorshayaasha horumarineed ee dalka.

Shirka ayaa todobaadkan looga hadlay mashaariicda lagu horumarinayo arrimaha bulshada, iyadoo lagu soo bandhigay qorshaha la tacaalidda isbeddelka cimilada iyo dhismaha xarunta Qaran ee gurmadka deg degga ah.

Wasiiro,agaasimayaal iyo masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Xilgaarsiinta ayaa shirka ka qeybgalay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *