Urur-siyaasadeedyada Puntland oo dhigaya banaanbaxyo ololeed

Published: September 19, 2021

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa soo saaray shaxda isusoo baxyada Ururadda Siyaasadda ee Puntland oo taageerayaasha urur siyaasadeedyada loogu talagalay in ay banaanbaxyo qabsadaan.

Guddiga ayaa 26-ka bishan la bilaabi doono banaanbaxyada Urursiyaasadeedyada iyadoo urur walba uu yeelan doono 3 maalmood oo kala duwan oo uu samaysan karo banaan baxyo waaweyn oo qayb ka ah ololaha ururka ee doorashooyinka 3 degmo.

Bisha soo socota ee October ayaa lagu wadaa in ay ka dhacdo degmooyinka Qardho, Ufayn iyo Eyl Doorashada Qof iyo Codka ah ee Dowladaha Hoose ee Puntland taasoo ay ku tartami doonaan Urur Siyaasadeedyada.

Hoos ka akhriso Warqadda Guddiga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *