Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo been abuur ku tilmaamay Warqad lagu faafiyay Baraha Bulshada

Published: September 19, 2021

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa been abuur ku tilmaamay Warqad saacadihii lasoo dhaafay siweyn loogu faafiyay baraha Bulshada.

Warqadda ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu masuuliyiinta Bankiga dhexe faray in khasnadada Dowladda ay kasoo wareejiyaan lacag gaaraysa 9 Million oo Dollar oo horey dowladda Imaaraadka Carabta ay ugu deeqday Soomaaliya isla markaana muddo ku xanibnayd khasnada dowladda.

Sida ku qoran Warqadda waxaa Ra’iisul Wasaare Rooble uu ka dalbaday Bankiga dhexe in lacagtaas ay ku soo wareejiyaan Akoon u gaar ah Ra’iisul Wasaaraha si ay u kabto dhaqaalaha xafiiska Wasiirka koowaad oo ay horyaallaan shaqooyin muhiim.

Qoraal uu boggiisa baraha bulshada ku qoray Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Mocalimow ayaa waxa uu sheegay in la doonayo in bulshada lagu jahwareeriyo Warqaddan been abuurka ah.

Fake!

Warqad been abuur ah oo Baraha Bulshada la wareejinayo taas oo la doonayo in Shacabka sharafta badan lagu jahawareeriyo si ula kac ah. Haku kadsoomin waa waxba kama jiraan. Beeni raad maleh.

ayuu yiri mocalimow

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *