Cunaqabateynta Maraykanka kusoo rogayo Itoobiya & Eriterea

Published: September 20, 2021

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa Jimcihii lasoo dhaafay saxiixay in cunqabateyn lagu soo rogi doono dhinacyada ku dagaalamaya dalka Itoobiya hadii aysan deg deg u joojin dagaalka.

Hanjaabadan ayaa ah tii ugu danbeysay iyadoo la filayo in dhawaan Maraykanka uu dhaqan geliyo cunaqabateyntan ay ugu goodiyeen dowlada Itoobiya iyo Eriterea.

Maraykanka oo bishii May ee sanadkan soo rogay xayiraad dhanka socdaalka ah ayaa hada doonaya inuu sare uu qaado cadaadiska uu saarayo dowlada Itoobiya ee Abiy Ahmed oo ka dhego adeegay baaqa ah in la joojiyo dagaalka ka socda ismaamulka Tigray.

Cunaqabateynta lasoo rogi doono ayaa la sheegay inay kamid tahay xayiraada dhaqaalaha dibada u yaala madaxda dowlada Itoobiya ee Federaalka, madaxda Tigray, Amxaarada iyo waliba dowlada Eriterea.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay Hanjabaada Maraykanka inay tahay maskaxdii gumeystihii heysan jiray Afrika, arrintan oo laga yaabo inay soo dadajiso in Maraykanka uu tilaabo adag qaado.

Joe Biden Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay inaan indhaha laga sii qarsan karin xaalada ay ku sugan yihiin shacabka ku dhibaataysan deegaanada ay dagaalada ka socdaan gaar ahaan ismaamulka Tigrayga oo la sheegay inay gaartay wax ka yar 10% deeqdii raashinka ee loogu talo galay.

“…Hal milyan oo qof dad ku dhaw ayaa macluul u dhimanaya mana ah wax loo dulqaadan karo…” ayaa lagu yirii digniintii kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maraykanka.

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinken ayaa isaguna bartiisa Twitter ku qoray in Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maraykanka ay muujineyso sida ay uga go’antahay Maraykanka inay wax ka qabtaan xaalada ka taagan Itoobiya, tilaabona ka qaadaan dadka hurinayada dagaalkan.

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta ka shaqeeya Aqalka Cad ayaa Saxaafadda Maraykanka u sheegay in dhaqan gelinta cunaqabateyntan aysan qaadan doonin muddo bilo ah balse la fulin doono asbuucyada soo socda.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *