Kulankii dhexmaray Hogaamiyaha KGS iyo Safiirka Itoobiya

Published: September 20, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka hadlay kulankii uu la yeeshay Safiirka Dowlada Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi oo booqasho ku tagay Magaalada Baydhabo.

Madaxweyne laftagareen ayaa  sheegay inay ka wada hadleen arrimaha la xariiraka doorashooyinka dalka iyo xaalada deegaankaasi oo kamid ah goobaha ay ka hawlgalaan ciidamada dowlada Itoobiya ee kamid ah AMISOM.

Madaxweynaha KGS oo aan faah faahin dheeri ah ka bixin dhamaan qodobadii looga wada hadlay kulankaasi ay albaabada u xirnaayeen ayaa dadaal ugu jira in AMISOM gacan kasiiso doorashooyinka la qorsheeyey inay ka dhacaan Baydhabo iyo magaalada Barawe oo ay kaabiga ku hayaan dagaalamayaasha Al Shabaab.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *