Maraykanka oo hagaajinaya xiriirka uu lalahaa Turkey

Published: September 20, 2021

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo shirweynaha Qaramada Midoobay ee ka dhacaya magaalada New York, waxaana la filayaa inuu kulamo la yeesho dhigiisa Maraykanka Joe Biden.

Xiriirka Turkey iyo Maraykanka ayaa sii xumaanayey tan iyo markii Turkey ay Ruushka ka iibsatay hubka lidka diyaaradaha ee Gantaalada S400, hase yeeshee waxaa la filayaa in xiligan Maraykanka uu doonayo inuu wanaajiyo Turkiga.

Maraykanka oo dhawaan isaga baxay dalka Afghanistan ayaa xiligan u arka Turkiga mid muhiim u ah saameynta uu kusii yeelan karo dalkaasi.

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Blinken oo horey u dhaliili jiray Turkiga ayaa dhawaan sheegay in Turkiga uu yahay xubin muhiim ah oo NATO Kamid ah oo ay doonayeen inay sii xoojiyaan iskaashigooda.

Xukuumadii hore ee Maraykanka ee Trump ayaa cadaadis xoogleh oo dhinaca dhaqaalaha ah saartay wadanka Turkiga, iyadoo la filayo Erdogan inuu ka faa’iideysto fursadaha hada uga muuqata dhinaca Maraykanka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *