Puntland oo dayactir ku sameynaysa Buundooyin burbur uu saameyay

Published: September 20, 2021

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa dhaggax dhigay dayactirka 8-buundo oo ku yaalla inta u dhexaysa Garoowe iyo deegaanka Birta dheer.

.

Dayactirka lagu sameynayo 8-da Buundo ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladdu ku dayactirayso Wadooyinka isku xira Gobollada Puntland, kuwaasoo uu saameyay burbur lixaad leh.

Dhagax dhigga waxaana Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Howlaha Guud, Qorsheynta , Maaliyadda , Saraakiil Madaxtooyo iyo Shirkadaha dhismaha fulinaya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *