Senatorkii 6aad ee lagu doorto Jowhar

Published: September 20, 2021

Senator Xasan Iidow muxumad (Koboc) ayaa ku guuleystey ka mid noqoshada Senatorada Baarlamaanka Federaalka ku metali doona Hirshabeelle.

Xasan Koboc ayaa waxa uu helay codad gaaraya 69 cod, halka uu musharaxii la tartamayay Cabdinuur Ibraahim uu helay codad gaaraya 22 cod.

Senator Xassan Iidow Muxumad (Koboc) ayaa noqonaya Senatarkii 6-aad ee lagu doorto magaalada Jowhar intii ay socotay Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Waxaa weli dhiman labo kursi oo kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee laga soo doorto Hirshabelle.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *