Xiisada u dhaxeysa Maraykanka & France ee heshiikii Australia

Published: September 20, 2021

Dowlada Faransiiska ayaa todobaadkan dib ulla soo noqotay Safiiradii u joogay Maraykanka iyo Australia kadib heshiiskii ay dalalkaasi wada saxiixdeen oo meesha ka saaray qandaraaskii Faranskiiska ku heystay dhismaha Maraakiibta Gujiska ee dowlada Australia.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayey heshiis iyo isbaheysi cusub ee dhinaca militariga ah ku dhawaaqeen dalalka Maraykanka, UK iyo Australia.

Heshiiskaasi ayaa qodobka ugu muhiimsan ahaa in Maraykanka uu ka iibin doono Australia Maraakiibta dagaalka iyo Gujiska ku shaqeeya Nukliyeerka oo casri ah, taasi oo keentay in Australia ay ka baxdo heshiiskii ay horey ugula jirtay dalka France oo lagu sameenayey maraakiibtooda dagaalka.

Faransiiska oo ka careysan burburinta heshiiskii ay kula jireen Australia oo ku kacayey balaayiin dollar ayaa falkan ku tilmaamay khiyaano iyo Toorey dhabarka looga dhuftay sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibada ee France.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa Axaddii shalay codsaday wadahadal uu la yeesho Madaxweynaha France Macron si xiisadan loo dajiyo, waana xiisadii ugu weynayd ee soo dhexgasha dalalkaasi kawada tirsan xulafada NATO.

Labada hogaamiye ayaa kamid ah madaxda ka qeyb galaya Shirweynaha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay oo todobaadkan ka dhacay magaalada New York.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *