Fahad Yaasiin oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Published: September 21, 2021

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Diyaarad gaar ah ayaa Fahad Yaasiin iyo Saraakiil la socotay kasoo qaaday Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga,sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Imaanshihiisa Muqdisho ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalmo ka hor lagu xanibay dalka Jabuuti halkaas oo ugu dambeyntii diyaaraddii Rakaabka ee siday lagu amray in ay dib ugu laabato Turkiga.

La taliyaha Amniga Madaxweynaha Fahad Yaasiin ayaa horey Ra’iisul Wasaare Rooble uu ka qaaday xilkii Agaasimaha Nisa iyadoo xika qaadistiisa ay sababtay khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa dhowr jeer u baaqday maqnaanshiyaha Fahad Yaasiin, hase ahaatee waxaa la filayaa in maalmaha soo socda uu furmo shirkaas oo lagu soo bandhigayo xogo la xiriira kiiska Sarkaalad Ikraan Tahliil.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *