Liiska Musharixiinta Aqalka Sare ee Goboladda Waqooyi oo lagu dhawaaqay

Published: September 21, 2021

Gudoomiyaha Aqalka Sare wakhtigu ka dhamaaday Cabdi Xaashi Cabdulaahi iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed ayaa siwada jir ah u shaaciyay liiska musharixiinta kuraasta gobolada Waqooyi ee Aqalka Sare.

Liiska kuraasta lagu tartami doono ayaa dhan 11 kursi waxaana marka laga reebo kuraasta badankood oo musharixiin lagu wada qoray aanu musharax la tartami doonin kursiga iminka uu ku fadhiyo Senetor Cabdi Xaashi kaasoo kaligii loo xiray.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda XilgaarsiintaMaxamed Xuseen Rooble ayaa liiska musharraxiintan xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi ka guddoomay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.

Hoos ka akhriso liiska musharixiinta oo dhameystiran

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *