Biden: Maraykanka waa joojiyey farogelintii militari wuxuuna ku bedalay Diblumaasiyad

Published: September 22, 2021

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo khudbadiisa kasoo jeediyey Shirweynaha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in go’aankii ay uga soo baxeen dalka Afghanistan uu bilow u yahay siyaasadooda cusub ee ku saleysan diblumaasiyada iyo joojinta dagaalada aan dhamaadka lahayn.

Joe Biden ayaa sheegay in ay doonayaan in xooga la saaro diblumaasiyada iyo wadahadalka si loo xakameeyo dagaalada caalamka ka socda.

Fariinta cusub ee Joe Biden u dirayo caalamka ayaa lagu soo beegay khudbadiisan oo ah tii ugu horeysay oo uu kasoo jeediyo Golaha Qaramada Midoobay tan iyo intuu xilka la wareegay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *