Guddiga loo saaray dhameystirka hawlgalka AMISOM oo ku kulmay Muqdisho

Published: September 22, 2021

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa Salaasadii Muqdisho shir uga furay Guddigan Farsamo ee ka kala Socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika.

Guddigaan ayaa si wadajir ah uga soo shaqeyn doona diyaarinta qorshe howleed ku qotoma sidii Dowladda Soomaaliya ay ulla wareegi leheed Amniga Guud ee Dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in guddigaan uu ka shaqeyn doono sidii sanadka 2022-ka ay AMISOM ammaanka dalka ugu wareejin laheyd ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Guddigaan ayaa seddaxda bilood ee soo socota soo diyaarin doona warbixin ku saabsan la wareegitaanka amniga qaranka ee ciidamada qaranka Soomaaliya, taas oo loo gudbin doono Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Ugu dambeyntii wasiirku waxuu sheegay in guddigaan garabka ka socda dowladda Soomaaliya laga soo kala xulay wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga, arrimaha gudaha, arrimaha dibadda iyo xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *