Wasaarada Caafimaadka Puntland oo Xorgoble ka bilawday bixinta talaalka Covid-19

Published: September 22, 2021

Wasaarada Caafimaadka dawlad goboleedka Puntland, ayaa dugsigga tababarka Xorgoble ee magaalada Qardho waxay ka bilawday bixinta talaalka Covid-19, si ay hoos ugu dhacdo khatarka xanuunka Covid-19 iyo faafitaankiisa.

Dugsiga Xorgoble ayaa ah dugsi uu tababar ugu socdo ciidamada dawlad goboleedka Puntland, waxaana horay ay wasaaradu u gaysay dhammaan talaaladii kala duwanaa ee dalka la keenay.

Sidoo kale dugsiga ayaa si joogto ah looga sameeyaa wacyi-gelin la xiriira sidii faafitaanka xanuunkaan loo xakamayn lahaa, iyadoo macalimiintu ay kaashanayaan bahda caafimaadka iyo maamullada heer gobol iyo mid degmo.

Maxamuud Bashiir Isku-duwe ku xigeenka caafimaadka, oo ay weheliyaan saraakiil sarsare oo ka tirsan wasaarada caafimaadka Puntland, la-taliyayaal, masuuliyiin kale iyo madaxda dugsiga Xorgoble ayaa maanta daahfuray talaalkaan, waxayna ciidanka ku booriyeen inta aan qaadan in ay qaataan talaalka, si naftooda iyo buslahadaba ay u badaadiyaan.

Wasaaradaha caafimaadka dalka ee heer federaal illaa heer dowlad goboleed ayaa dadaal ugu jira sidii bulshada Soomaaliyeed looga xakameyn lahaa faafitaanka cudurkaan halista ah ee Coronavirus, kaas oo hadda markii seddaxaad soo laba kacleeyey, sida ay xalay shaacisay wasaaradda caafimaadka dowladda Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *