Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo ka shiray habsami u socodka Howlaha Doorashooyinka

Published: September 23, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay Shir ay habka fogaan aragga ku yeesheen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo diiradda lagu saaray habsami u socodka howlaha doorashooyinka dalka.

Shirka oo Ra’iisul Wasaaraha ay kala qeybgaleen Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa la isla meel dhigay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo doorasha xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo la tix raacayo jadwalkii doorashooyinka dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal oo shirka qeyb ka ahaa, ayaa Golaha Wadatashiga Qaran la wadaagay warbixin ku saabsan howlaha guddiga ee ku aaddan hab sami u socodka howlaha doorashooyinka.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa in ay dhawaan shir toos ah isugu yimaaddaan, kaasi oo ay ku ballameen shirkan foggaan aragga ay yeesheen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *