Muqdisho: Ajaanib lagu helay in ay ka tirsan Ururada Argagixisada oo Xukun Xabsi lagu riday

Published: September 23, 2021

Makamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xukun xabsi ah ku ridaý labo nin oo Ajaanib ah kuwaasoo lagu helay kamid ahaanshiyaha Kooxda Alshabaab.

Labadan nin oo lagu kala magacaabo Daren Antonia Brnes iyo Axmed Mustaqiim Cali, una kala dhashay Wadamada England iyo Malaysia ayay Maxkamaddu ku xukuntay min 15-Sano oo Xabsi ciidan ah.

labadaan nin ayaa sida ay Maxkamaddu sheegtay in ay sifo sharci darro ah kusoo galeen dalka kuna biireen kooxaha Argagaxisada ee kasoo horjeeda Nabadda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *