Madaxweynaha Galmudug Oo La Kulmay Safiirka Shiinaha

Published: September 24, 2021

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo weli ku sugan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa kulan la qaatay Safiirka dalka Shiinaha ee Soomaaliya u fadhiya Mr. FEI Shengchao.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Qoorqoor iyo Safiir Mr. FEI Shengchao ayaa waxaa looga hadlay Arrimo ay kamid yihiin xaaladda guud ee dalka, dhiirogelinta xiriirka ganacsiga iyo horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha Galmudug.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ka mahadceliyay kulanka iyo guud ahaanba garab istaagga dowladda Shiinaha siiso dowladda Federaalka Soomaaliya

Qoorqoor ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, isagoona kulamo kala duwan la qaatay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya, isla markaana kala hadlay Arrimo dhowr ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *