Wadahadalkii u dhaxeeyay Farmaajo iyo Rooble oo natiijo la’aan kusoo dhamaaday

Published: September 24, 2021

Waxaa fashil uu kusoo dhamaaday wahadaladii iyo waan waantii laga dhex waday madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Shirar fool ka fool ah oo saacadihii ugu dambeeyay dhexmaray Madaxda ayna garwadeen ka ahaayeen Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Madaxweynaha Galmudug ayaa wax natiijo ah laga gaari waayay sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim.

Qodobada la isku fahmi waayay ee fashilka waanwaanta keenay waxaa kamid ah arinta Wasiirka magacaaban ee Amniga Cabdulaahi Maxamed Nuur oo Madaxweyne Farmaajo uu dalbaday in loo wareejiyo Wasaarad kale hase ahaatee uu ka biyo-diiday Ra’iisul Wasaare Rooble iyo arinta ku saabsan cidda yeelanaysa magacaabista Taliyaha NISA.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor ayaa lagu wadaa in uu shir saxaafadeed uga hadlo waanwaanta ay wadeen ee guulaha laga gaari waayay sida ay sheegtey Madaxtooyada Galmudug.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *