Bosaaso oo lagu qabtay Shir ku saabsan sugidda amniga Doorashooyinka

Published: September 25, 2021

Shir looga hadlayay sidii loo adkeyn lahaa nabadgalyada ayaa lagu qabtay magaalada Bosaaso ee xarun ganacsiyeedka Puntland.

Shirka ayaa waxaa isugu yimid Guddiga amniga Gobalka Bari, Madaxda Ciidanka Booliska, iyo Saraakiisha ciidamada ,waxaana diiradda lagu saaray adkeynta ammaanka Bosaaso maadaama ay ka mid tahay magaalooyinka lagu qaban doono Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose.

Shirkaan ayaa Qeyb ka ah shirarka Amniga Gobalka Bari ee lagu qabto Xarunta looga arimiyo Gobalka.

Sida uu qorshuhu yahay magaalada Bosaaso ayaa waxa ay marti gelin doontaa doorashada 16 kursi oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka soo socda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaasoo ka imaanaya Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *