Madaxweyne Deni Oo Daahfuray Ololaha Urur Siyaasadeedyada Puntland

Published: September 25, 2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta daah-furay Ololaha Ururadda Siyaasadda Puntland oo todobaadkan ka bilaabanaya degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl oo ay ka dhici doonaan doorashooyin hal Qof iyo hal cod ah.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay bulshada in shaqo adag laga soo maray in maanta lasoo gaaray ololaha ururadda Siyaasadda iyo codeynta dadweynaha oo ah riyadii bulshada Puntland oo rumowday, wuxuuna bogaadiyay Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), Hay’adda PDRC , Dallada Ururadda Bulshada ee PUNSAA iyo dhammaan dadkii ka shaqeeyay shaqada wanaagsan ee qabsoontay.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Dowladdu ka dhabeysay hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland,si awooda shacabka loogu dhoweeyo oo ay madaxdooda usoo doortaan. Wuxuuna u mahadceliyay Ururadda Siyaasadda iyo Shacabweynaha Puntland isagoo u rajeeyay Bulshada tartan Caafimaad qaba.

Puntland gaar ahaan Saddexda Degmo ee kala ah Qardho, Ufeyn iyo Eyl waxaa todobaadkan ka bilaabanaya Ololaha Ururadda Siyaasiyadda Puntland oo socon doona muddo bil ah, waxaana degmooyinkaasi ka dhici doonta 25-ka October 2021, Doorasho qof iyo cod ah oo shacabku kusoo dooran doonaan Xildhibaanada goleyaasha deegaanka.

Taariikh cusub ayeey u tahay dadweynaha reer Puntland, Doorasho Qof iyo cod ah waa markii ugu horeysay ee ay ka hirgelayso Puntland, waxayna tani ka midtahay ballan qaadkii Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu sameeyay xiligiisii ololaha doorashada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *