Majaajilayste Ajakis Oo Ku Geeriyooday Muqdisho

Published: September 27, 2021

Alle ha u naxariistee Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ku geeriyooday Majaajilistihii caanka ahaa ee Cabdi Muriiddi Dheere, oo ku magac dheeraa Ajakis.

Marxuumka ayaa Maal-mihii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay Magaalada Muqdisho, waxaana horay loo dhigay Cusbitaal, kadib markii xaaladdiisa Caafimaad ay aad u liidatay, waxaana geeridiisa xaqiijiyey qoyskiisa.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war kasoo saartay geerida marxuumka, waxaana ka tacsiyeeyey raysal wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

“Allaha u naxariisto jilaagii caanka ahaa Cabdi Muriidi Dheere oo ku magac dheeraa Ajakis oo maanta ku geeriyooday Muqdisho. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska marxuumka, asxaabtiisii, bahda fanka iyo saxaafadda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed”.

Sidoo kale madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee DFS, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsi u diray qoyska, ehelka iyo asxaabta marxuumka.

“Innaa lillaahi wa Innaa Ileyhi raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Marxuum Cabdi Muriidi Dheere oo ahaa Jilaa iyo majaajilayste weyn oo soo saari jiray barnaamijyo lagu kobcinayo wacyiga ummadda Soomaaliyeed.”

Ajakis ayaa ka mid ahaa majaajiliistayaasha ugu caansan gayiga Soomaaliyeed, waxaana uu caan ku ahaa Ruwaayadaha iyo Turjumidda Aflaamta.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *