Raysal Wasaare Rooble Oo Qaabilay Taliyaha Ciidamada Lugta Uganda

Published: September 27, 2021

Raysal Wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay taliyaha ciidammada lugta dalka Uganda Gen. Muhorzi Kainerugaba oo booqasho ku yimid Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladaha ammaanka iyo sida Ciidanka AMISOM ay u sii xoojin laahayeen nabad galyada guud.

Waxa uu Raysal Wasaarahu ka mahadceliyay kaalinta muhiimka ah ee ay ciidamada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM & wada shaqeynta kala dhaxeysa ciidammada Soomaaliya.

Sidoo kale kulanka Maanta ayaa waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Cusub ee Ammaanka kaasi dhaaan uu Magacaabay RW Rooble.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *