Cabdi Xaashi oo markale ku guuleystay kursiga Aqalka Sare

Published: September 29, 2021

Gudoomiyihii hore ee Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa noqday Senator-kii ugu horreeyayay ee Aqalka Sare ee gobollada Waqooyi, kaddib Doorashada Aqalka sare oo uu u tanaasulay musharraxii la tartamayay Siciid Cumar Xuseen.

Guddoomiyaha guddiga doorashada gobollada Waqooyi ayaa ergada ugu gudbiyay si gacantaag ah inay ku ansixiyaan, waxaana ansixiyay 44, halka laba qof ay ka aamuseen sidaasna uu markii labaad ugu guuleystay kursiga Aqalka Sare.

Doorashada shanta kursi ee kale ee maanta la dooranayo ayaa hadda la guda galay ,waxaana la filayaa in maanta lasoo gaba gabeeyo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *