Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliland oo la dhaawacay

Published: September 29, 2021

Xildhibaan Axmed Guruuje oo katirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa dhaawac uu soo gaaray iyadoo haatan lagu dabiibayo Cisbitaalka Hargaysa.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Suldaan Saleebaan Boqor uu weerar gacanta ah ku qaaday Xildhibaanka isla markaana uu madaxa kaga dhuftay dhagax.

Falkan ayaa ka dambeeyay kadib markii Suldaanka uu dhibsaday jawaab Xildhibaan Guruuje uu horey uga bixiyay hadal uu suldaanku jeediyay oo ahaa in Korneyl Doolaal oo kasoo horjeeda nidaamka Madaxweyne Biixi uu yahay dembiile.

Xildhibaanka la dhaawacay Axmed Guruuje ayaa kamid ahaa xubnihii guuldaradda u horseeday Xisbiga Kulmiye doorashadii guddoonka golaha wakiilada ee Somaliland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *