Booliiska gobolka Bari oo ka hadlay askari dad rayidka ku dilay Bosaaso

Published: October 2, 2021

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay rasaas uu dad shacab ah ku furay Askari katirsan Booliiska gobolk Bari.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo dhallinyaro ah ayaa ku geeriyooday rasaasta uu furay Askariga mid kalena waa uu ku dhaawacmay aga-gaarka Aarkada Gaaca ee magaalada Boosaaso.

Taliska Booliiska gobolka Bari oo dhacdadan War kasooo saaray dhacdadan ayaa sheegey in ay xabsiga dhigeen askarigii falka gaystay.

“Booliiska gobolka Bari waxa uu tacsi la wadaagayaa ehelada iyo qaraabada uu ka dhintay marxuum Ayaanle Jamac Cumar oo caawa askari ay kaga dhacday xabbad, waxaana uu sidoo kale Caafimaad u rajeynayaa inuu ka soo kabto dhaawaca soo gaaray Bishaar Cali Cawad oo marxuumka la socday.

Ciidanka Booliiska waxay qabteen askarigii falkaas geystay waxaana socoda baaritaanka dhacdadan, wixii faahfaahin ah waxaan idiin gudbin doonaa marka baaristu dhamaato insha allah”.

Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *