Puntland oo dib u dejin u sameysay dadka laga soo baro-kiciyey Laascaanood

Published: October 4, 2021

Dowlada Puntland ayaa dib u dajin kumeel gaar ah u sameysay boqolaal qoys oo ay Soomaliland kasoo tarxiishay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dadkan oo u badan carruur iyo haween, ayaa la geeyey magaalada Gaalkacyo, halkaas oo loogu sameeyay daryeel caafimaad iyo quudin.

In ka badan 1000 qof ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay gaaray deegaanada Puntland.

Dadkaan ayaa qaarkood sheegay in ay qoysaskooda iyo hantidoodii kagasoo tageen magaalada Laascaanod, kadib markii si kedis ah looga soo tarxiilay magaalada Laascanood. Waxayna dalbadeen in loo oggolaado in hantidooda iyo qoysaskooda uga xayiran Laascaanood ay halkaas si nabad ah ugala soo baxaan.

Puntland ayaa sidoo kale ugu baaqday hay’adaha gargaarka inay wax u qabtaan dadkaasi laga soo baro-kiciyey deegaankii ay ku noolaayeen 30kii sano ee lasoo dhaafay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *