Kulan gaar ah oo ay yeesheen Abiy Ahmed & Farmaajo

Published: October 5, 2021

Madaxweynaha Muddo xileedkiisa dhamaaday ee Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis-ababa kulan gaar ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dib loo doortay ee dalka Itoobiya Mudane Abiy Ahmed.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa iska xog wareystay xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyo xiriirka labada dal oo ay saldhig u tahay daris wanaag, isixtiraam iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyey warbaahinta dowlada.

Maalinimadii shalay ayaa xaflad ka dhacday magaalada Addis Ababa markale lagu caleemo saaray Abiy Ahmed oo xiligan ku mashquulsan dagaalada ka socda waqooyiga dalkaasi.

Xafladii shalay ayaa la arkayey Farmaajo oo goobta la fariisiyey laga fogeeyay halkii ay fadhiyeen Madaxweynayaasha Kenya iyo Jabuuti oo dhinac fadhiyey Abiy Ahmed.

Faah faahin dheeri ah lagama bixin kulankan maanta la sheegay inuu ka dhacay Addis Ababa.

Farmaajo oo xiligan cadaadis ka heysato doorashada wakhtigeeda dib uga dhacday ee Soomaaliya ayaa rajeenaya in dowlada Itoobiya gacan ka siiso qorshihiisa siyaasadeed.

Xukuumada Itoobiya ayaa dhawaan sheegtay inay kala bixi doonto koonfurta Soomaaliya qeyb kamid ah ciidamadii halkaas ka joogay sida qeybo kamid ah gobalka Gedo iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *