Museveni iyo Farmaajo oo kulan ku yeeshay Addis Ababa

Published: October 5, 2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni oo kulan-doceed ku yeeshay magaalada Addis-Ababa.

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in labada hogaamiyey ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga ammiga, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka, iyaga oo xoojiyey iskaashiga dagaalka lagula jiro argagixisada.

Dowlada Uganda oo ah midda ciidamada ugu badan ugu deeqday ciidamada AMISOM ayaa dhawaan sheegtay inay walaac ka qabto khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira hogaanka Federaalka Soomaaliya.

Museveni ayaa ku hanjabay in ciidamadiisa kala bixi doono Soomaaliya hadii aan khilaafkaasi oo uu ku tilmaamay Aidska Siyaasada aan xal loo helin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *