Rooble oo la kulmay madaxda Qatar

Published: October 5, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Doxa ee dalka Qadar ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Qadar Shiikh Khalid Bin Khalifa Al-Thani

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhiggiisa Qatar kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo kordhinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qadar ay ka fuliso Soomaaliya.

Dowlada Qatar oo horey xiriir wanaagsan ullahayd Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday ee Farmaajo ayaa xiligan dadaal ugu jirta inay saameyn ku yeelato xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo Doorashada dalka.

Raysalwasaaraha Soomaaliya oo xiligan ku mashquulsan hirgelinta doorashada ayaa horey casumaado kala duwan uga helaya dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya oo ay sidoo kale ku jirto dowlada Sacuudiga oo dhawaan casumaad u fidisay walow safarkaasi baaqday kadib markii ay sare usii kacday xiisada ka dhex taagan Rooble iyo Farmaajo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *