RW. Rooble oo si diiran loogu soo dhaweeyay Qatar

Published: October 5, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Doxa ee dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaadan doono Madaxda dowladda Qatar, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, arrimaha doorashooyinka ee Soomaaliya iyo horumarka kale ee ay ku talaabsatay dowladda Soomaaliya.

Booqashada Rooble ayaa kusoo beegantay xili uu khilaaf weyn ka dhex taagan yahay Madaxweynaha Muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo horey u sheegay inuu shaqada ka joojiyey Ra’iisulwasaaraha oo ah hogaamiyaha xiligan u xilsaaran hirgelinta doorashooyinka dalka Soomaaliya.

Qatar ayaa kamid ah dalalka la sheego inay dhaqaalaha ku taageertay Madaxweyne Farmaajo xiligii uu tartanka ku jiray 2017, waxaana dowladaasi xiriir dhaw laleh lataliyaha Farmaajo ee Fahad Yassin oo uu dhawaan Raysalwasaaraha ka qaaday xilkii uu hayey ee Agaasimaha/Taliyaha Sirdoonka NISA.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *