Taliban oo lagu eedeeyay xasuuqa dad u dhashay Qowmiyadda Hazara

Published: October 5, 2021

Warbixin ay soo saartay hay’ada Amnesty International ee xuquuqul Insaanka ayaa lagu sheegay in wax yar ka dib markii awoodda Dalka Afganistaan ​​ay la wareegeen Taalibaan, ay qudha ka jareen 13 xubnood oo ka tirsan qowmiyadda Hazara, dadkaasi oo lagu xasuuqay gobolka Daykundi.

Amnest, ayaa sheegtay in dilkaasi uu dhacay  30 -kii bishii Agoosto ee la soo dhaafay, kadib markii  kolonyo ciidamo ah oo ka kooban 300 dagaalyahanno ah ay galeen degmada Khidr, halkaana ay ku dileen ugu yaraan 13 qof.

Dadka la dilay ayaa ahaa 11 xubnood oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada qaranka iyo laba ruux oo kale oo ay ku jirtay gabar 17-sano jir ah.

Warbixintaan oo la daabacay maanta oo Salaaso ah ayaa lagu sheegay in dadka la dilay inta badan ay ahaayeen kuwo isku soo dhiibay kooxda Taalibaan, waxaynay da’doodu u dhaxaysay 26 ilaa 46 sano jir.

Waa dilkii labaad ee loo geysto dadka u dhashay qawmiyadda Hazaras, Talibaanka ayaa sagaal qof sidan ugu dilay gobolka Ghazni bishii Luulyo, sida lagu sheegay warbixinta Amnesty International.

Qawmiyadda Hazara waa dadka ugu badan Shiicada dalkaasi Afganistaan, waxaana la sheegay in qawmiyaddaasi ay dhibaatooyin badan horey ugalla kulmeen Talibaanka intii ay xukumayeen wadankaasi sanadihii u dhaxeeyay 1996 iyo 2001-dii.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *