Puntland oo ambabixisay qaar kamid ah dadkii laga soo barakiciyey Laascaanood

Published: October 6, 2021

Dowladda Puntand ayaa kuwa wareejisay Galmudug 635 qof oo kamida dadkii laga soo barakiciyey Magaalada Laascaanood kuwaas oo ay Puntland usamaysay dibu dajin iyo Soodhawayn, Galmudug ayaa ku wareejin doonta Dowlada Hirshabeela halkaas oo ay uga sii gudbi doonaan Dowlada Koonfur-Galbeed.

Dadkan ayaa ahaa kuwii iskood go’aansaday inay dib ugu noqdaan deegaanada Koonfur-Galbeed, halka intii badnayd qoysaska laga keenay Laascaanood ay weli ku sugan yihiin Puntland.

Munaasibadan sagootintan dadka ayaa waxa xalay goob joog ka ahaa Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Mudug, Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Puntland, Wasiirada Arimaha Gudaha Puntland, Caafimaadka Puntland iyo Haweenka Puntland, Agaasimaha Warfaafinta Maamulka Gobolka Mudug Puntland, Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Galmudug ku xigeenkiisa, Taliyaha Qaybta Booliska Galmudug, nabadoono iyo masuuliyiin kale.

Isimada iyo Nabadoonada Koonfur-Galbeed oo goob joog ahaa ayaa Dowladda Puntland uga mahadcelisay sida ay usoodhawaysay Maatada iyo shacabkii laga soo barakiciyey Magalaada Laascaanood walina ay Puntland ku dhawaad 2,000 kun oo qof dib-u-dajin ugu samaysay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *