Puntland oo xukun adag ku riday 8 nin oo ka tirsanaa AlShabaab

Published: October 6, 2021

Maxkamadda sare ee ciiddamada qalabka sida ee Puntland ayaa xukun dil ah ku riday siddeed nin oo la sheegay in ay katirsan yihiin Alshabaab, kuwaas oo horay maxkamadda darajada koowaad ay saddex bil ka hor xukun dil ah ugu riday.

Raggan oo ay horey usoo qabteen ciidamada Puntland & Galmudug, ayaa qeyb ka ahaa shabakadihii AlShabaab ee ka hawlgeli jiray Waqooyiga iyo Koonfurta xarunta Gobalka Mudug.

Siddeedaan nin ee lagu xukumay dilka, ayey xeer illaalinta Puntland  sheegtay in ay ahaayeen shabakad dilalka qarshaysan iyo qaraxyada ka fulin jiray koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Maxkamadda sare waxay sheegtay in ay ku qanacday cadeymaha xeer ilaalinta iyo qiraalka laga hayo xukumanayaasha, kuwaas oo ay sheegtay in ay ku cad yihiin dambiyada ay galeen dhammaantood.

Puntland ayaa bishii june ee lasoo dhaafay xukun dil ah ku fulisay 18 nin oo katirsanaa Alshabaab, kuwaas oo tan iyo sannadkii 2008 dilalka iyo qaraxyada ka fulin jiray Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Xukumayaashan oo laga diiday racfaankii ay qaateen ayaa loo heystaa dilalka dad badan oo ay ku jiraan saraakiil iyo waxgaradka siyaabo kala duwan loogu dilay qeybta koonfurta magaalada Gaalkacyo ee hoostaga maamulka Galmudug.

Waxay kala ahaayeen xubnaha markale dilka lagu xukumay:

1: Xasan Isaaq Maxamed (Maax)

2: Axmed Cali Hilowle   ( Istakiin)

3: Sidiiq Nuur Faarax Muudeey   (Gaagaale)

4: Maxamed Sharafle Maxamuud Culusow (Amaxey)

5: Maxamed Cabdullaahi Xuseen Cabdi (Jubba)

6: Cabdulqaadir Cabdulle Xasan (Muruq)

7: Liibaan Ciise Wehliye (Madax kariye)

 8: Nuur Xuseen Cabdulqaadir Cismaan (Manuur)

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *