Ruushka oo tijaabiyey Gantaal cusub oo nooca Nukliyeerka ah – Video

Published: October 6, 2021

Militariga Ruushka ayaa markii ugu horeysay tijaabiyey gantaal cusub oo nooca Nukliyeerka ah oo laga riday mid kamid ah maraakiibta Gujiska ee nukliyeerka xambaara, tijaabadan ayaa laga cabsi qabaa inay markale dib usoo nooleyso loolankii hubka nukliyeerka ee u dhaxeeyey Ruushka iyo Maraykanka.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa wakhti badan geliyey sameynta nooca cusub ee gantaalada nukliyeerka oo uu ku tilmaamay mid wax weyn ka bedali doonta awoodooda militari.

Gantaalkan oo ah nooca (Zircon class) oo ah mid guuxiisa ka dheereeya oo lagu qiyaaso xawaarihiisa Mach 5 (6,174 km saacadii) ayaa ah mid lagu duqeyn karo meel ka fog 1000+km.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *