António Guterres: Itoobiya waxay jabinaysaa Sharuucda Caalamiga ah

Published: October 7, 2021

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa si adag u cambaareeyey dowlada Itoobiya oo dalkeeda ka saartay 7 kamid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay.

António Guterres ayaa ka qeyb galay kulankii shalay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ka yeeshay xaalada dalka Itoobiya, isagoona ka digay falalka ay dowlada Itoobiya ku kaceyso ee ka horimaanaya sharuucda caalamiga ah.

Safiirka Itoobiya u fadhiya UNta oo kulankaasi ka qeyb galay ayaa ku eedeeyey shaqaalaha ay dalkooda ka saareen ay been abuur sameeyeen oo ay buun-buuniyeen tirada dadka shacabka ah ee macaluusha ugu dhimanaya wadankooda.

Arrintan oo ka careysiisay Xoghayaha Guud António Guterres oo u jawaabay safiirka Itoobiya ayaa sheegay in laga doonayo dowlada Itoobiya inay cadeyso eedeyntan isagoona sheegay in shaqaalaha Qaramada Midoobay ay yihiin dhex dhexaad.

Golaha Amaanka ayaa laga sugayaa inay qaraar kasoo saaraan xaalada dalka Itoobiya iyo dagaalada ka socda waqooyiga dalkaasi oo ay ku barokaceen malaayiin qof, iyadoo xukuumada Itoobiya ee Abiy Ahmed ay wajaheyso cadaadiska isa soo taraya ee Beesha Caalamka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *