Axmed Macalin Fiqi oo iska casilay xilkii Wasiirka Amniga Galmudug

Published: October 7, 2021

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalim Fiqi ayaa Sheegay inuu iska casilay Xilkii Wasaarada Amniga Galmudug.

Warqadda isscasilaadiisana ayuu sheegay in uu u gudbiyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor .

Sababta keentay iscasilaadda ayuu Fiqi ku sheegay in Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ay isku fahmi waayeen qorshaha lagu wajahayo kooxda Ahlu Suna ee dhawaan la wareegtay gacan ku haynta Degmada Guriceel.

Maantay waxaan madaxweynaha Galmudug u gudbiyey iska casilaadaydii xilka wasiirka amniga Galmudug, ka dib markii aan isla fahmi weynay qaabka loo wajahayo khilaafka isaga iyo ASWJ u dhexeeya, ee uu asagu doortay wadada dagaalka iyo colaad Galmudug ku reebaysa mahadhooyin danbe, asagoo adeegsanaya ciidamo Muqdisho laga soo daadgureeyey kuwaasoo wax talo ah mas’uuliyiinta GM ama wasaaradda amnigu aysan ku lahayn, aniguna aan u soo jeediyey wadada wadahadalka iyo dagaal la’aantu in ay ka sahlan tahay, ka dhib yar tahay, kana guul badan tahay middaas iyo sidoo kale in argagixisada Shabaab la dagaalankooda aan xoogga saarno una jihayno gulufka socda dhankooda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *