Madaxweynaha Jubaland oo Guddi u saaray xaaladda degmada Ceelwaaq

Published: October 7, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo lagaga hadlay xaaladaha abaaraha ka jira qeybo kamid ah Jubbaland, arrimaha ammaanka iyo qodobo kale.

Ugu horrayn Wasaaradda amniga ayaa ka warbixisay xaaladda Nabadgelyada Jubbaland iyo xaaladahii ugu danbeeyay oo ay kamid yihiin howlgallo ay sameeyeen Ciidamada kala duwan ee amniga.

Wasaaradaha xanaanada xoolaha iyo Maaraynta masiibooyinka ayaa ka warbixiyay abaaro si xoog leh ugu jira qeybo kamid ah Jubbaland, taas oo saamayn ku yeelatay xoolaha iyo dadweynaha, waxaana intaas dheer xanuuno aan la aqoon oo si ba’an u laynaya xoolaha sida Wasaaradda xanaanada xoolaha ay ku warbixisay.

Dhinaca kale Wasaaradda Cadaaladda arrimaha Diinta iyo Awqaafta ayaa ka warbixisay shaqooyinka waaxda Cadaaladda iyo sida ay muhiimka u tahay in la xoojiyo hay’adaha Cadaaladda taas oo wax badan laga qabtay sanadahii lasoo dhaafay.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa guddi ka kooban Wasaaradaha Amniga, arrimaha gudaha, Caafimaadka, Waxbarashada Maaliyadda, iyo howlaha guud, waxaa uu u xilsaaray inay qiimayn iyo talo bixin kasoo sameeyaan xaaladda Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, taas oo la xiriira arimaha amniga, dhaqaalaha, maamulka iyo garoonka diyaaradaha.

Wasaarada Caafimaadka ayaa ka warbixisay Xaalada COVID-19 ee Jubbaland, iyadoo xustay in meelo badan oo kamid ah Jubbaland wali xanuunku uu ka jiro, waxaa kale oo Wasaaraddu ay ka warbixisay Safar wafdi Wasiirka uu hogaaminayo ay ku tageen magaalada Dhoobley, dhina kale Wasiirka ayaa ka mahad celiyay qalab kala duwan oo Hay’adda Carta foundation ay ugu deeqday Wasaaradda, taas oo wax badan ka tari doonta shaqooyinka socda iyo dadaalka Wasaaradda ee dib loogu habaynayo kaabayaasha Caafimaadka, taas oo taageero weyn looga baahan yahay dadka deegaanka ee qurbaha ku maqan.

Ugu danbayntii Wasaaradda haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ayaa ka warbixisay shir Wasiirka Wasaaradda ay kaga qeybgashay magaalada Muqdisho iyo waxyaabahii kasoo baxay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *