Israel oo sheegtay in Yuhuuda ku tukan karaan gudaha Masjidka Al Aqsa

Published: October 8, 2021

Maxkamada Israel ayaa Khamiistii shalay sheegtay in Yuhuuda ay ku tukan karaan gudaha Xarunta Masjidka Al Aqsa ee magaalada Qudus, arrintan oo si weyn uga careysiisay Falastiiniyiinta.

Heshiiskii hore ee dhexmaray Israel iyo Urdun (Jordan) oo mas’uul ka ah masjidka ayaa qeexayey in Muslimiinta oo kaliya ku tukan karaan gudaha ama Xayndaabka Masjidka Al Aqsa, halka Yuhuuda ay ku tukadaan Debriga Galbeed ee dhismaha Masjidka.

Go’aankii shalay ee Maxkamada Israel ayaa lagu sheegay in Yuhuuda iyagoo aamusan ay ku tukan karaan gudaha xarunta Masjidka arrintaasi oo ka horimaaneysa sharuucdii hore.

Yuhuuda xagjirka ah ayaa olole xoogan ugu jiray inay si tartiib tariib ah gudaha ugu galaan xarunta ama xayndaabka Masjidka Al Aqsa oo ay aaminsan yihiin in goobtaasi uu horey ugu ooli jirtay Kaniisadii hore ee Yuhuuda.

Raysalwasaaraha Falastiin Mohammad Ibrahim Shtayyeh ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in aysan socon doonin farogelinta Israel ay dooneyso inay gudaha ugu soo gasho Masjidka Al Aqsa.

Sidoo kale hogaamiyayaasha Muslimiinta iyo Kirishtaanka ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo saareen ku sheegay in Israel aysan farogelin karin Masaajidka Al Aqsa.

Khubarada dhanka Sharciga ayaa sheegaya in Maxkamada Israel aysan awood ullahayn inay go’aan ka gaarto Masjidka Al Aqsa sida ku cad sharuucda caalamiga ah.

Hase-yeeshee ciidamada Israel ayaa marar badan duulaan gudaha ugu galay Masijdka, waxayna Yuhuuda hada wadaan olole baaxadleh oo ay xoog kula wareegayaan guryaha Falastiiniyiinta degen yihiin ee xaafadaha bariga magaalada Qudus ee ku hareeraysan goobta uu ku yaal Masjidka Al Aqsa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *