UK oo Soomaaliya ka saartay liiska xayiraada Socdaalka ee COVID-19

Published: October 8, 2021

Dowlada UK oo qaaday qeybo kamid ah Xayiraada iyo Karantiilka ay kusoo rogtay dadka ka imaanaya dalalka uu saameeyey cudurka Covid19 ayaa dalka Soomaaliya ka saartay liiska gaduudan ama casaanka ah.

UK ayaa horey liiskan u gelisay 54 wadan oo uu dalka Soomaaliya kamid yahay, waxaana hada liiskaas casaanka ah lagu soo reebay 7 wadan oo kaliya oo kala ah; Panama, Colombia, Venezuela, Peru, Ecuador, Haiti iyo Dominican Republic.

Grant Shapps, Xoghayaha gaadiidka ee UK ayaa shaaciyey go’aankan oo ah tilaabadii ugu horeysey oo lagu fududeenayo socdaalka, waxaana si weyn u soo dhaweeyey shirkadaha duulimaadka iyo Jaaliyadda dalkaasi ku nool.

Arrintan ayaa ka dhigan in dadka Soomaaliya ka imaanaya ay toos u soo gali karaan UK, iyaga oo aan meel kale soo marin ama aan la galin karantiil 10 maalmood ah oo uu qofka ku jirayo Hotel gaar ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *