Axmed Madoobe oo kulan la qaatay Saraakiil ka socota Mareykanka

Published: October 9, 2021

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa Xarunta Madaxtooyada Kismaayo ku qaabilay Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya Kornayl Thomas Sarrouf iyo saraakiil kale.

Kulanka ayaa looga arinsaday sidii loo dardar galin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo tageerada howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya.

Shalay ayay ahayd markii magaalada Kismaayo uugaaray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Gen Odowaa Yuusuf, isagoo kulan la qatay Axmed Madoobe, waxaana wararku ay sheegayaan in Jubbaland siwada jir ah looga bilaabayo howlgal ka dhan Alshabaab.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *