Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dhismaha Waddo halbowle ah

Published: October 9, 2021

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maamta Xariga  ka jaray Wado laami ah oo isku xirta isgooska Baar Ubax iyo Warshada Taraqa iyo sigaarka.

Dhismaha  Wadadaan oo muhiim u ahayd isku socodka Gadiidka iyo dadweynaha oo dhawaan dib u dhis lagu sameeyay ayuu maanta guddoomiyaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir xariga ka jaray, iyada oo ay goob jog ka ahayeen maamulka Gobalka Banaadir, mamulka degmooyinka ay wadadan xariiriso iyo qeybaha kala duwan ee dadka degaanka.

Dib u dhiska wadadaan ayaa waxaa iska kaashada Maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka ku nool degmada Howlwadaag ee gobalka Banaadir.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *