Koonfur Galbeed oo wada qorshe dib u dejin loogu sameynayo dadkii lasoo musaafuriyay

Published: October 9, 2021

Magaalada Gaalkacyo waxaa gaaray Wafdi heer wasiiro ah oo ka socda Maamul goboleedka Koofurgalbeed kuwaasoo qorsheynaya sidii qoysaskii dhawaan laga soo musaafiryay Somaliland uga amba baxin lahaayeen magaalada Gaalkacyo ayna u geyn lahaayeen deegaanada Koonfur galbeed.

Qorshahan waxaa dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed kala shaqeynaya Masuuliyiinta Gobolka Mudug ee Puntland ,waxaana la filayaa in saacada soo socda la bilaabo in diyaarado lagu qaadayo dadkan laga soo masaafuriyay deegaanadii ay ku noolaayeen.

Guddi labada dhinac ah oo ka kala socda Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa shir ka yeeshay daadgureynta dadkan iyadoo durba la guda galay in goobo cayiman la isugu geeyo dadka lasoo raafay si loogu qaado magaalada Baydhabo.

Maamulka Somaliland ayaa laga cabsi qabaa in uu dadka kale kasoo masaafuriyo deegaanada uu ka arimiyo sida degmada Ceerigaabo oo dhawaan uu ku amray in muddo 14 casho gudahood ay uga baxaan degmadaasi dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa dhawaan magacaabay Guddi u kuurgala xaaladda dadka lagasoo masaafuriyay magaalada Laascaanood kuwaasoo qaarkood ay dhibaatooyin kasoo gaareen howlgalka ka dhanka ah ee lagu soo masaafuriyay .

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *