Qardho: Wasiirka Maaliyadda oo Xarigga ka jaray Xarunta Wasaaradda oo dib u dhis lagu sameeyay

Published: October 9, 2021

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi oo safar shaqo ku gaaray magaalada Qardho ayaa xarigga ka jaray qeyb kamid ah dhismaha Wasaaradda Maaliyadda xarunteeda gobolka Karkaar oo qalabeyn iyo dib u dhis lagu sameeyay.

Xafiisyada la qalabeeyay isla markaana dayactirka lagu sameeyay waxaa kamid ah xafiiska waaxda Canshuuraha Bariga, Xafiiska Waaxda Xisaabaadka, Xafiiska guud ee Xisaabiyaha iyo xafiisyo kale.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa kormeeray qeybaha xafiisyada qalabeynta lagu sameeyay waxaana uu dhinaca kale kulan la qaatay masuuliyiinta iyo howl wadeenada wasaaradda Maaliyadda gobolka Karkaar isagoona ku amaanay shaqada ay hayaan.

Munaasabadda Xarig jarka waxaa ku sugnaa Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Karkaar Yaasiin Cabdi Ciise ,Duqa Degmad Qardho Maxamed Buraale Seed , Gudoomiyaha gobolka Karkaar Cabdi Siciid Cismaan iyo Masuuliyiin kale.

Wasiirka ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda in ay ka shaqeeyaan sidii xoogga loo saari lahaa kobcinta dakhliga, wuxuuna ugu baaqay dadweynaha ku dhaqan gobolka in ay bixiyaan cashuurta si dowladdu usii waddo howlaha ku aadan dib u dhiska dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *